Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa oo gaartay dacwad loo heestay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

    Warqad kasoo baxdey Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa lagu sheegay in Laamaha kala duwan ee Garsoorka Gobolka Hiiraan ay faragelin ku hayaan Guddoomiyaha gobolka Hiiraan & Taliyaha Ciidanka Asluubta.

    Warqadda oo la ogeeysiiyey Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale iyo Taliyaha qeybta Asluubta Gobolka Hiiraan ay ku takri falayaan Awooda iyo Sharciyadda mas’uuliyadeed oo ay leeyihiin.

    Ugu dambeyn Qoraalka ayaa laga digey amni darro ka dhalan karta hadii qof dambiile ah la siidaayo,iyada oo la adeegsanayo awood Maamul.

    Weli Eedeyntaan loo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale iyo Taliyaha qeybta Asluubta Gobolka Hiiraan kama jawaabin.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here