Dowlada Jubaland ayaa so dhaweysay warmurtiyeedkii kasoo baxay Garoowe

    Dowlad goboleedka Jubbaland aya taageeray War-murtiyeedkii dhawaan kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Puntland ee Saddexda Cisho ka socdey Magaalaalada Garoowe,kaas oo shalay Gelinkii dambe la soo geba-gabeeyey.

    War-Saxaafadeed kasoo Baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaasi u arkaan in uu ahaa mid looga hadlay waxyaabo dan u ah Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Puntland.

    Ugu dmbeyn War-saxaafadeedka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in loogu baaqayo,Dowlad goboleedyada,saamileyda Siyaasadeed ee dalka,Goleyaasha DFS iyo Ummadda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadaha Shirkaasi kasoo baxay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here