Golaha culimada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee magalada jigjiga ayaa baaq kasoo saaray caabuqa Coronavirus

    Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa kulan ku yeeshay Golaha Sare ee Islaamka ee deegaankaas, iyagoona ka hadlay Arrimo kala duwan oo looga hortegi karo faafida Cudurka Coronvirus.

    Golaha Sare Islaamka ee dowlad deegaanka ayaa markii uu sooo dhamaaday Shirkooda kadib waxaa ay soo saareen Go’aano ka kooban saddex qodob, kuwaasi oo looga hortegayo faafida Cudurka halista ee Coronvirus.

    Golaha Islaamka ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhammaan Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ee ku yaalla deegaanka muddo 15-maalmood ah iyo in la xiro  goobaha kale ee lagu barto Diinta Islaamka.

    Go’aanada kasoo baxay Golaha Sare ee Islaamka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u qoran sidaan:

    1. IN mudo 15 cisho ah la xiro dhamaan Dugsiyada lagu barto Quranka kariimka ah ee Deegaanka oo dhan.
    2. IN la la xiro Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee lagu barto diinta Islaamka
    3. IN dhamaan Masaajidada laga bilaabo duco Qunuud ah 5 salaadood ee waajibka ah.

    Guud ahaan wadamada Caalamka ayaa qaadaya talaabooyin kala duwan oo lagu yareenayo, isu imaanshaha dadwaynaha si looga hortago Cudurka halista ee Coronvirus.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here