Ciidamada Dowlada oo ganacta kusoo dhigay Horjooge ka tirsan Alshabaab

    Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ay ka sameeyeen degaanka Jannaale ee gobolka Sh/hoose ayaa gacanta  Ku soo dhigay madaxii Canshuuraha Al-shabaab ee Shabeellaha hoose, Maxamuud Yuusuf  Mansuur,howlgallo baaritaanno ah oo ay degaanka Jannaale iyo nawaaxigiisa ka sameeyeen Ciidamadda Danab iyo 7-kale oo la socday.

    Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdi-xamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Jannaale iyo degaannada hoos yimaada ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka,taasi oo suuragalisay in gacanta lagu soo dhigo Maxamed Yuusuf Mansuur oo ahaa madaxii lacagaha canshuuraha ah ee gobolka Shabelaha hoose una qaabilsanaa Alshabaab sida uu hadalka u dhigay

    Howgalka lagu soo qabtay madaxa canshuuraha Alshabaab ee Shabeellaha hoose iyo xubnaha kale ee las ocday ayaa waxaa fuliyay ciidamadda Dana bee xoogga dalka Soomaaliya,waxaana taliyuhu sheegay in ay sii socon doonaan howlgaladaas.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here