Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta oo loodiiday ineey Soomaaliya kasoo dagto

    Diyaaradda rakaab sidday oo kasoo duushay Dubai laganaleeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka subixii hore laga celiyay in ay cago-dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

    Diyaaradda ayaa sidoo kale qorshaynaysay in ay rakaab keento garoonka diyaaradaha Cigaal, halka kuwo kalena ay ka qaadi lahayd.

    Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in rakaabka ay diyaaraddu kula noqotay magaalada Dubai, kadib soo-degidda loo diiday.

    Arintan ayaa imanaysa xilli dawladda Soomaaliya ay hakisay duulimaadyada caalamiga ah si looga hortago caabuqa Coronavirus,in kasta oo ilaa iyo haatan Somaliland aysan joojin duulimaadyada caalami ah ee imaan jiray deegaanadeeda

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here