Taliyaha Ciidamada Jubaland ayaa kormeer ku tagay fariisimaha Ciidan ee Jubada Hoose

    Taliyaba ciidanka Jubbaland ayaa kormeer ku tegay dewgaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose gaar ahaan deefaanada dhawaan laga saaray Alshabaab.

    Taliya guud ee ciidanka Dowlad-goboleedka Jubbaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa kormeer guud ku sameeyay furimaha hore ee ay kusugan yihiin ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

    Taliyaha ayaa kormeerkiisa cagta kusoo mariyey fariisimada ciidanku ku leeyahay deegaanada Yoontoy, Buulaguduud, Sigalayr, Baarka iyo Sanguunni, muhiimadda kormeerkiisu wuxuu ahaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa howsha ciidanka, ugana hambalyeyn lahaa guulaha ay ka gaareen cadowga.

    Ciidanka ayaa Taliyaha usoo dhoweeyey siweyn, waxaana Taliyaha warbixinno siiyey Taliyeyaasha iyo hoggaanada ciidanka.

    Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim oo ciidanka la hadlay ayaa sheegay in ay si wadajir ah u gudanayaan waajibaadka ka saaran difaaca shacabka iyo ka xoreynta deegaanada gacanta ugu jira Alshabaab.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here