Maqaal Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ma mid aargoosi qabiil wadaa , iyo isirnaceeb

    Burburkii Dowladii uu Hogaaminayay argagaxiye Mohamed Siyaad Bare kadib dalka wuxuu galay dagaal sogeeye taaso saameeyay nolosha bulshada Soomaaliyeed meelkasto ay jogaan,

    Soomaaliya  waxaa ka hanaqaaday Maamulo waxaana ugu Horeeyay Somaliland iyo Puntland kuwasoo ku dhismay qaab qabiil hadaan si gaar idinku qeexo ,

    Somaliland waxaa dhistay Dirta waqooyi oo ugu tun weyn isaaq halka Puntland ay iyana dhistay Harti Darood oo ugu tunka wayn Majeerteen,

    Markii Dowladii lasoo doortay Dowladii uu Hogaaminayay Madaxweyne  Cabdullahi Yuusuf Ahmed wuxuu Caasimad kumeel gaar ka dhigtay Jowhar iyadoo Puntland ay nabad tahay Maamulna ka dhisan yahay una sii dheertahay Dakada Boosaaso oo shaqeyneysay,

    Madaxweyne Abdullahi Yuusuf asagoo ka faaideysanayo qalbi furnaanta Hawiye iyo sida ay dhab uga tahay in dib loso celiyo Dowladnimada Soomaaliyeed wuxuu ku qanciyay in Ciidamo Ethiopian ah dalka lasoo galiyo si loola diriro Midowga Maxakiimta oo markaas hogaaminayeen Hawiye Isla Markaasna gacanta kusoo dhigtay Gobolada Goonfureed 90 % .

    Soogalitaanka Ciidamada Ethiopia waxaa lagu xasuuqay Qabaailada Hawiye ee daga Koonfurta Soomaaliya sido kale Dowlada Ethiopia waxaa fursad loosiiyay ineey sheegato ineey qabsadeen Magalada Muqdisho,

    Waxaa daliil arintaas idinkaga filan Midowgii Maxaakiimta Dalka waxaay ku soodabaaleen Amni waxaayna hirgiliyeen Mashaariic aad u waweyn oo ugu horeysay furitaanka Dakada iyo Airport ka muqdisho ,Halka Dowladii Abdullahi yusuf ay dalka soo galisay Ciidamo shisheeye kuna laaysay dadkii kunolaa Muqdisho oo hawiyaha ahaa.

    Dowladihii ay Hogaaminayeen Shariif Shiekh Ahmed & Xasan Shiekh Mohamed waxaay Dowladnimada Soomaaliya ku wadeen wadatashi , wada ogol in qabiilada Soomaaliyeed dib ay isugu aaminaan lagana dheeraado wax kasto dadka qeebinaayo ,

    Maanta Dowlada Uu Hogaaminayo Mohamed Abdullahi Farmaajo  waxaay dagaal toos kula jirtaa Qowmiyada Hawiye , markii laga hadlaayo

    1. Ciidamada oo si heeb sooc cml loogula dhaqmaayo ama loo adeegsanaayo awood sheegasho maamul.
    2. Cunuqabateen dadban oo lagu soo rogay Ganacsada Hawiye taaso la isugu daray canshuur xad dhaaf ah, jidadka oo laga xiro iyo waliba qashqashaad dheeri ah marka ay ku sugan yihiin goobahooda ganacsi.
    3. Mashaariicda Hormarineed ee dalka oo aan wax laga siinin deeganada Hawiye, gaar ahaan Hirshabeele iyo Galmudug wasidee Airport yadooda iyo adeegada Bulshada una fiiri heerka ay marayaan Puntland , Jubaland & KG.
    4. Canshuurta Magaalada Muqdisho laga qaado waxaa Hoteelo lagu dajiyay ama lagu bilaa Siyaasiin ay ku jirto isir naceyb Hawiye taaso ay ubaahneed Hooyada odaygeeda loogu dilay qarax in caruurteeda u helaan dhamaan adeegyada bulsho .
    5. Goaamanka Masiiriga ee taabanayo Qowmiyada Hawiye malaga talagaliyo haldoorka Bulshada ee waxaa gaara kaliya Farmaajo iyadoo fuliyayaal u yihiin dad ka mid ah Hawiyaha oo qalbigooda ku wayn tahay Dowladnimo isla markaasna aynan ogeen waxaa ku juraa quluubta Farmaajo ama damiciisa ah cirirbtirka iyo hoos udhigista heybada iyo muuqaalka ay leeyihiin Dadyowga Hawiye .

     

    Guntii iyo Gabagabadeedii waxaan xasuusinayaa Jilaayasha Hawiye qodobada hoos ku xusan.

    1. Maaleedihiin Haldoor diidi kara Beegsiga Isirka ee uu wado Qalbi Xume Farmaajo.
    2. Hogaamiyayaasha Maanta hawiye oo ugu horeeyo Qoor Qoor , Waare & Finish mayihiin kuwa Maya dhihi karaa beegsiga dadkooda . Halka maanta Darood ay maya dhihi karaan wax kasto u cuntamin Puntland & Jubaland .

    Tallada Maanta lagubdoon Qowmiyada Hawiye,

    1. Diida Maliibanaayaaasha lagu liibaanay oo ay ugu horeeyaaan dadka nagu matalada Dowlada .
    2. Doorashada soosocoto 2020 / 2021 waa mid quseesa Jiritaanka Hawiye hadii looga adkaado majiri doono shaqsi hawiye oo ka hor imaan doono Dhibaato loogeesanayo dadkeena waxaana hal doorka Hawiye loo laayn doona sida Salaad Gabayre .

     

    Towfiiqda allaha idin waa fajiyo

    xigasho Muqdisho Online

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here