Alshabaab oo sheegatay qaraxii lagu dilay Taliyaha Booliska Dagmada Afgooye

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gelinkii dambe ee Maanta lagu dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Cismaan Nuunow.

    Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa gaadiid uu la socday Taliye Nuunow lagula eegtay xili ay marayeen deegaanka Lafoole, iyagoo kusoo jeeday. Magaalada Muqdisho.

    Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxa uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Taliyihii Saldhiga Degmada Afgooye Cabdiqaadir Cismaan Nuunow iyo saddex Askari oo ilaalo u aheyd ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka Askar kalena oo la socotay dhaawac uu soo gaaray.

    Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Afgooye ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas ka soo qaaday Meydadka iyo dhaawaca Askarta.

    Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa geerida Taliye Nuunow uga tacsiyadeeyay Ehelada, Asxaabta iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

    War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye

    Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxa lagu dilay 5 Askari oo ilaalo u aheyd Marxuum Nuunow, iyagoona tilmaamay in burbur xoogan uu soo gaaray gaarigii uu qaraxu haleelay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here