Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay ololaha wacyi galinta Coronavirus

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay ololaha wacyigalinta ka hortaga cudurka Caabuqa ah ee Covid-19 oo dhibaata adag ku haaya nolasha iyo horumarka caalamka.

    Aqalka Dowlada hoose ayaa lagu Soo bandhigay gaadiid ay ku xiran yihiin cod baahiyaal loogu talagalay in bulshada lagu gaarsiiyo fariimaha wacyigalinta ka hortaga Coronaveris.

    Dhinaca kale -Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir oo booqatay xarunta loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka uu soo rito Cudurka COVID19

    Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Aamir Jakeeti ayaa Maanta kormeertay Xarunta kaaran ee Hubinta Bedqabka Dadweynaha, halkaas oo loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka uu soo Rito Cudurka COVID 19.

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta xaruntaasi geeyay shaqaale ka tirsan waaxda nadaafadda Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo loo diyaariyay tababar ku saabsan Nadaafadda looga baahan yahay xarunta karaantiilka iyo sidii ay iska ilaalinaya halista cudurkaan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here