Ethiopia ayaa xirtay dhamaan xuduudaha dhuleed ay lawadaagto wadamada dariska la ah

    Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in la xiray xuduudaha Itoobiya la wadaagto dalalka deriska la’ah gaar  ahaan kuwa dadka kasoo gala.

    Sababta loo xirayo xuduudaha Itoobiya la wadaagto dalalka dariska ayuu sheegay inay tahay in la xakameeyo faafida Cudurka Coronavirus, waxaana Itoobiya ay Cudurkaas u qoondeysay lacag dhan 5 Bilyan oo Birr.

    Dhinaca kale dadka Itoobiya uga imaanaya dalalka kale ayaa waxaa lagu wargeliyay in la karantiili doono muddo 15-maalmood ah, isla markaana ay joogi doonaan skylight hotel iyo Ghiyon hotel.

    Dalka Itoobiya ayaa la helay dhowr ah oo uu ku dhacay Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilayo goob gooni ah, waxaana Itoobiya shalay ay deeq Caafimaad ka heshay dowlaha Shiinaha, waxaana kamid ah qalabka looga hortego Coronavirus.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here