Safiirka Dowlada ingiriiska ee Soomaaliya oo ka hadlay sida ay muhiim u tahay wadahadalada DFS iyo maamul Goboleedyada

    Safiirka Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Mr. Ben Fender ayaa ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee haatan u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira.

    Safiirka Ingariiska oo War qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in muhiim ah tahay in wadahadallo ay dhexmaraan Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada si  loo xaliyo Khilaafyada jira.

     

    “Wadahadalka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada waa lama huraan, si looga faa’iideysto dalka deyn cafintiisa, la keeno doorashooyin toos ah oo qaran oo waqtigeeda ku habboon waafaqsana sharciga cusub, iyo wax ka qabashada coronavirus.  Waxaan soo dhaweynayaa talaabooyinkaan muuqda ee horay loo qaaday, waxaana rajeynayaa in kuwa ay khuseyso ay ku heshiin karaan in ay u kulmaan dhakhsi”ayuu qoraalkiisa ku yiri safiirka UK ee Soomaaliya.

    Si kastaba hadalka Safiirka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalmin kahor Qaramada Midoobe ay soo dhaweeysay Go’aankii uu qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ahaa inuu Safar ku imaanayo Muqdisho, si uu ula kulmo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here