Wasiiru Dowlada WAD ayaa kulan gaar la qaatay Safiirka China u fadhiya somalia

    Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Qin Jian, waxaana uu kala hadlay xiriirka labo geesoodka ee labada dal u dhexeeya iyo horumarka laga sameeyay xakamaynta iyo kahortagga faafidda caabuqa dilaaga ah ee “Corona virus”.

    Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa la iskula eegay iskaashiga dhinacyada kala duwan leh iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa si loo gaaro danaha wadaagga ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo Shiinaha, waxaa kale oo ay la falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale.

    Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka mahadceliyay taageerrada kala duwan ee Shiinaha u fidiyo Soomaaliya iyo hey’adaheeda dowladeed, isagoo bogaadiyay tabarucaadda bani’aadannnimo ee agabka caafimaad ee ay ku deeqeen hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba wadamada qaaradda Afrika ee 54 dal ah si xad loogu yeelo faafidda Koroona feyrus.

    Hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba ayaa ku deeqay 100,000 maaskaro, 1,000 dharka kahortagga iyo walxo kale oo la gaarsiinayo dowlad kasta oo ka mid ah 54 dowladood ee Afrika, si la mid ah waxaa wadamadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee caabuqani lagu sameeyo. Agabka oo ka kooban 6 milyan oo maaskaro ah, 1.1 milyan oo xirmo baarid-caafimaad, 60,000 isku-joog dharka kahortagga ah , 60,000 oo maaskaro kahortag leh iyo walxo kale ayaa waxaa la gaarsiiyay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo Maanta oo Isniin ah (23 Maarso) looga kala daabuli doono agabkaasi wadamada Afrika sida la qorsheeyay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here