Wasiirka amniga Qaranka XFS oo beeniyay wararka sheegaya in la weerari doono Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed

    Wasiir ducaale ayaa bartiisa Facebooka kusoo qoray in ay been abuur tahay wararka sheegaya in Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed laweerari doono,

    Hadalka wasiirka uu so dhigay Facebook waa sida tan.

    “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.

    Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro”

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here