MW Farmaajo iyo RW kaire oo kabeensheegay barnaamijka Deyn Cafinta

    RW Kheyre ayaa isagoo aad u faraxsan sidii cunug dhar ciideed loo iibiyey intuu jaranjaro ka soo dagay so hor istaagay saxafadda la soo xulay oo aan hal su’aal la weydin karin madmadow iyo been kasta oo uu sheego ayaa u akhriyey qoraal la soo macmalay oo aan xaqiida ka tarjumeyn.

    RW Kheyre waxaa ku filan inuu ku faano sida loo gaaray marxaladda go’aan qaadashada oo ah wejigii seddexaad ee deynt cafinta. Laakiin maxaa u diiday inuu dadka runta u sheego sida lagu gaaray iyo waxa ay dowladiisu ku dartay gaarista heerkaan?

    Waxaa weli dhiman marxaladdii dhammaystirka ama gunaanadka (Completion point), taasoo ah marxaladda deynta  go’aan looga gaari doono, waa haddii dowladda soo socotaa ay u hawlgasho si ka wanaagsan tan Xasan Kheyre, waxayna qaadan kartaa ugu yaraan 3 sano.

    [mks_highlight color=”#eeee22″]Deyn Cafin Maxay tahay? Waa maxay wejiyada aay ku timaado?[/mks_highlight]

    Sideedaba waxaa muhiim ah in la fahmo in deyn cafinta aysan ahayn mid ku timaada shaqo uu qabto dalka deynta lagu leeyahay waa siyaasad caalami ah. Waxaa dalka deynta lagu leeyahay marka hore lala galaa ballamo isugu soo urura laba: a) Inuu dalkaas badalayo siyaasadiisa oo uu ogolaanayo faragelin siyaasadeysan sida qoondada haweenka, doorashooyin aan qeexneyn oo kolba sidii la rabo loo sheego iwm iyo inuu noqonayo dal aan maalgelin xoog leh ku sameyn arrimaha bulshada sida caafimadka, waxbarashada iyo Milateriga waana waxa lagu haysto Erateriya iwm. b) inuu qaadanayo deyn tii hore ka weyn ama laga helay shidaal si loo dhuuqo oo loogu furfuro waddamada Galbeedka , isla markaana waxkasta oo hadda la siiyaana loo rogo deyn mustaqbalka ah.

    Somaliya hadda ma jirto wax deyn ah oo laga cafinayo waxaana hadda la bilaabayaa tubtii iyo jidkii la mari lahaa deyn cafin. Waxaana la soo helay dulsaarka deynta dalka lagu leeyahay qolo deyn kale inta na siiso nooga bixisa, waxaana sameeyey UK, US, Talyaniga iyo Norway.  Waa sida adiga oo Credit Card qoladii ku siiyey ku tiri dulsaarkii waa xernay oo kuguma kordhayo ee markaad hesho na sii, laakiin adigii ayaad waxaay qolooyinka deymaha ka ganacsadaa kuu keeneen qolo ribadii hore ee korokeedu kaa xernaa kaaga bixisa deyn kale oo riba leh. Waa waxa hadda Somaliya ku dhacay, deyn aan ribadeeda ku socon ayaa waxaa la gu bixiyey deyn iyo riba isla socda.

    [mks_highlight color=”#eeee22″]Arrintaas maxaa ka dhalanaya:[/mks_highlight]

    1. In ay soo baxaan dalal raba sida UK iyo US inay iibsadaan ama la wareegaan dulsaarkii deymihii hore ka yimid oo loo yaqaanno debt Clearance. Ogow dowladii MW Xasan Sheekh Maxamud inay naga joojisay inuu dulsaarkeeda nagu kordho oo uu intiisa haado muddo aan la cayimin oo 10-30 sano ku dhow haddii aan xataa bixin weyno.
    2. Dowladaan NN waxay rabtaa in dulsaarkaas lagu bixiyo deyn ay na siiyaan waddamada dunida.Waa khalad weyn waxaana wada Kheyre iyo Farmajo oo heshiis hoose iyo bood jebis ka qaatay waddamadaas. Tusaale dowladda Norweyn markii ay dulsaarka naga bixineysay waxay sheegtay inay heshiis  la gahsay  dowladda Somaliya, heshiiskaas waxaa la soo marsiiyey golaha wasiirada laakiin  maxaa heshiiskaas loola qeybsan waayey shacbiga iyo wakiilada Shabiga-barlamanka?
    3. Lacagta ay waddamadaan nooga bixinyaan dulsaarka waa deyn cusub oo waqti gaaban ah dulsaarkeeduna uu aad iyo aad u sarreeyo oo xataa gaari kara 10% halka dulsaarka caadiga uu yahay wax 0.1% Waxaana kaaga daran hadda dulsaar naguma socdo oo waa xeran yahay marka loogu baahan yahay in deyn loo qaato oo deyn kale lagu bixiyo.
    4. Marka deynta dulsaarkeeda ay la wareegaan waddamada naga bixinayaa waxay IMF iyo Bangiga adduunka u rogayaan deyn dhammaan lacagaha hadda nala siiyo oo mucaawinadaha ah, iyadoo waddamada hadda na siinaya deynta dulsaarkii lagu bixinayo looga badalan doono heshiisyo qarsoon sida kan Norway lala galay oo ku wajahan meelo badan sida soo saarida, barista iyo Suuqgeynta Macdanaha Somaliya oo uu shidaalka ugu horreyo.

    Deynta nagu taagan ayaa hadda loo fadhisanyaa in la xisaabiyo iyadoo dal waliba goonni loola hadli doono oo la ogaan doono dalalka cafiyey deyntooda, muddo kadib ayaa la heli doonaa deynta saxda ah ee dalka lagu leeyahay.

    [mks_highlight color=”#eeee22″]Haddaba waa maxay khaladka ay dowladdaan gashay:[/mks_highlight]

    1. In aysan qabanin wixii looga baahnaa oo ahaa hoos u dhigga Faqriga (Proverty Reduction). Dowladdii Xasan sheekh ee ka horreysay tan waxay qabatay a) Dhismaha hay’adaha dhaqaalaha iyo kaabayaashooda sida Bangiga dhexe, Hantidhowrka guud iyo Xisaabiyaha guud.b)waxay sameysay barnaamijka la socodka shaqaalaha (SMP), waxay sameysay barnaamijka ilaa maanta lagu shaqeeyo ee public Finance Management loo yaqaanno.
    2. Waxay kaloo dowladdaas sameysay kordhinta dakhliga, barnaamijkii maareynta dhaqaalaha iyo miisaaniyaddii ugu horreysay ee. Haddii dowladaan ay si sax u raaci lahayd jidkaas hoos u dhigga baahida wax weyn ayaa maanta u qabsoomi lahaa.

    Guud ahaan. Hadalka dheer ee aan wax ujeeddo ah ku qotomin ee uu Jeediyey RW Kheyre waxaa ka habooneyd in uu:

    1. Shacbiga runta u sheego inaysan jirin wax deyn cafis la yiraahdo ama wax guul ah ee laga gaaray, waayo waxaa qabsan oo kaliya waa wixii hore u qabsanaa markii ay dowladiisu talada dalka la wareegeysay.
    2. Inuu u qiro ganacasatada iyo shacabka gobolka Banaadir dadkana la wadaago inay yihiin kuwa kaliya ee dalkaan badbaadiyey, waayo ma jiro hal dollar oo ka yimid maamullada dalka oo miisaaniyadda ka muuqdaa. Balsa waxaa jira boqollaal kun oo ku baxday gobollada oo ay Banadir bixisay.
    3. MW Farmajo oo markii ugu horreysay soo saaray hadal xaqiiqda uga dhow kan Kheyre oo ku saabsan denyta iyo arrimaheeda.

    Haddab RW Kheyre oo ku leh waxaa Somaliya laga cafiyey deyntii ay ku lahaayeen hay’adaha Maaliyadda, hasa yeeshee warbixnta IFM waxaa ku jirta in deynta hadda lagu leeyahay Somliya y dhamaan doonto 2038.Haddaba waa maxay waxa la cafiyey ee uu RW kheyre la boodbooday. Qoraalkii IMF na waa kan:

    Xigasho Muqdisho Online

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here