DFS ayaa si kumeel gaar ujoojisay Duulimaadka gudaha Soomaaliya silooga hortago Caabuqa Coronavirus COVID-19

    Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in beri wixii ka dambeeya dhammaan la joojiyey duulimaadyada gudaha ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho goboladda kale ee dalka.

    Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in kaliya duulimaadyada loo ogol yahay diyaaradaha sida gargaarka, siiba kuwooda sida daawooyinka iyo raashinka

    Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inuu weli halkiisa yahay amarkii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga, islamarkaana uu sii socon doono illaa amar dambe.

    Ugu dambeyn wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa shirakadaha ka shaqeeya duulimaadyada ka dalbatay inay u hoggaasamaaan amarkaasi.

    Dowladda Soomaaliya ayaa si guud u wada qorshe ballaaran oo looga hortagayo cudurka sida fudud ku faafa ee Corona, kaas oo sadex kiis oo ka mid ah laga helay M/ Muqdisho.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here