Faahfaahin kasoo baxeysa Qaraxii Maanta CXDS lagula eegtay Janaale

    Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kwua Milateriga dowladda Federaalka lagula eegtay duleedka Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino dhulka la geliyay, isla markaana ay qabsatay mid kamid ah Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya  in qaraxaas jugiisa ay maqlayeen, sidoo kalena ay arkayeen uuro cirka isku shareertay, In kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha ka dhashay.

    Qoraal lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkaas, iyagoona tilmaamay inay gubeen gaari Booyad ah oo ay sheegeen inuu muhiim u ahaa Ciidanka dowladda ee ku sugan Janaale.

    Al-shabaab ayaa intaas kusii dartay in qaraxa lagu gubay gaariga uu Khasaaro kala duwan kasoo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda, hayeeshee ma shaacin Khasaarahaas inta uu la egyahay.

    Al-shabaab ayaa dhawaan weerar lagu dilay Ciidamo ka tirsan dowladda ka fuliyay duleedka Degmada Janaale oo lagala wareegay, waxaan weerarkaas ay sheegeen in lagu dilay Askar dhowr ah.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here