Dowlada Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay Caabuqa Coronavirus COVID-19

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortaga Cudurka halista ah ee Coronavirus.

    Guddoonka labada Guddi ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxayna ka warbixiyeen xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaargaroobey ka hortaga cudurka Coronavirus ee adduunka ku fidaya.

    Kulankan oo intiisa badan looga hadlay sidii Puntland, Dowlad iyo Shacaba loo xoojin lahaa ka hortaga cudurka Caronavirus, waxaa laga soo saaray go’aamo.

    Go’aamada Puntland ay soo saartay ayaa waxaa kamid ah in Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Puntland xiliyada habeenkii ah, kaasi oo ka bilbaanaya 06:00 Maqribnimo ilaa 05:00 subaxnimo.

    Sidoo kale Puntland ayaa amartay in la joojiyo gaadiidka Magaalooyinkadhex-dooda lagu wado iyo kuwa Safarada ah laga bilaabo 1-da Bisha soo socota ee April ilaa 15-ka Bishaas.

    Hoos ka Akhriso Go’aanada kasoo baxay maamulka Puntland.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here