Xaaf ayaa si kulul uga hadlay qaraxii ka dhacay Garoowe

    Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Waxa uu tacsi u diray intii dhimatay shacab iyo madaxba waxa uuna ilaah uga baryay inta dhaawac ahna in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

    Xaaf waxa uu si gaar ah tacsi ugu diray ehelada Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalam Maxamed Xirsi oo qaraxii xalay lala eegtay dhaawac kasoo gaaray mardambe u geeryooday waxa uuna eebe uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo.

    Qaraxa xalay ka dhacay Garoowe ayuu Axmed Ducaale Geelle Xaaf wax laga xumaado ku tilmaamay waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in hal meel looga soo wada jeesto wax uu ugu yeeray Argagaxisada.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here