Ciidamada Ethiopian ah ayaa lala eegtay Qarax aad u culys

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya lagula eegtay Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka Itoobiyaanka  lala eegtay xili ay socdaal ku marayeen Gudaha Degmada Garbahaareey, waxaana la sheegayaa in Jugta qaraxa laga maqlay inta badan Xaafadaha degmadaas.

    Ugu yaraan laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Itoobiya ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka Afar kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ay leeyihiin Itoobiya.

    War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxii Degmada Garbahaarey lagula eegtay Ciidanka Itoobiya, iyagoo sheegay in halkaas ay ku dileen laba Askari, halka 4 kalena ay ku dhaawaceen.

    Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Gedo kusii qulqulayay Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo Saldhigyo Ciidan ka sameeystay Degmooyin kamid ah Gobolkaas.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here