Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka KG ayaa loo doortay Amb Ali Fiqi

    Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Goordhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas.

    Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala Cali Saciid Fiqi iyo Maxamed Cabdirashiid.

    Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed u doortay Cali Saciid Fiqi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo  83 Cod, halka Maxamed Cabdirashiid uu isna helay 2 Cod, waxaana halaabay 8 Cod.

    Xarunta ay ka dhacday Doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, xubno ka socday dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale.

    Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa haatan guda geli doona Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo labaad ee Maamulkaas.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here