Madaxweynaha Somaliland ayaa cafis u fidiyay 574 maxbuus Caabuqa Coronavirus Awgiis

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xiran.

    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

    Wareegto Madaxweyne

    Cafis

    Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

    Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

    Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

    Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/SL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

    Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

    Waxaan Go’aansaday;

    In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here