DFS ayaa WB ka dalbatay in la deemiyo 600 Million

    Hadalka Wasiir BB waxaa si cad uga muuqata in isaga iyo NN ay soo gaareen halkii ay beenta u sheegayeen oo ah inay dadlka geliyaan deyn ka weyn tii uu ku jiray, iyagoo waddamada iyo hay’adaha kula heshiinaya inay waxooda ka qaataan, kadibna loo fasaxo deymo wax badan lagu dhexqariyo.

    Dulsaarkii ka xayirayey deyn qaadashada Somaliya ayey waxay ku bixiyeen deyn ka dulsaar weyn tii dalka lagu lahaa, kaadibna waxay bilaabeen inay deyn kale codsadaan waana halka ay khaterta ka imaneyso oo aan in muddo ah u sheegeynay shacbiga, siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo aqoonyahankaba. Qaarkood waxay noo arkayeen welina noo arkaan inaan nahay mucaarid ama warbaahin dowladda ka soo horjeedda.

    Waxa aan arkeynay waxay ahayd in halkaan loo soo gurguuranyo waxaana marwaliba la atashaneynay aqoonyahanno ay xataa qaarkood dowladda xilal muhiim ka hayaan kuwaas oo nasiiya macluumad run ah, waayo shaqadooda waxaa kala weyn tan dalka lagu wado.

    Akhristow haddaad moodday inaan Kheyre, Farmajo, Fahad iyo Beyle ku been abuuraneyno nala fiiri xisaataan fudud oo aan ka soo  dharaandhinay qeybaha la adkeeyey si uusan shacbigau  fahmin.

    30 June 2017 waxaa Somaliya ay hay’adahaan hadda dalka  loo dhacay ay nagu lahaayeen deymaha soo socda

    [mks_highlight color=”#eeee22″]IMF:         $334 Million.  WB:          $315 Million.  AFDB:      $102 Million[/mks_highlight]

    Waa intii aysan talada la wareegin Farmajo iyo Kheyre, laakiin hadda si wax la isula cuno waxaa deynta laga dhigay sidaan soo socota:

    30 Marso 2020 waxay nagu leedahay

    [mks_highlight color=”#eeee22″]IMF:.          $335.1 Million.  WB:          $365.9Million.  AFDB:      $122.55 Million.[/mks_highlight]

    Taas waxay deyntii hore ee 2017 ka badan tahay $72.55 Milyan. Yaa qaatay lacagtaas ileyn dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud waxay xertay kororka dulsaarka deynta oo ahaa waxa kaliya ee nagu kordhi jiray ilaa dowladdii Kacaaka.

    Lacagahan oo si loo cuno loo bixiyey magacyo kala duwan waxay ka mid yihiin aafada ay dalka geliyeen kooxdaan baaba’a noo wada innana aan iska qaban la’nahay innagoo sugeyna inay cid kale innaga qabato.

    Waxay ku egyihiin in dhowr maamlood Xamar waddooyinka loo soo baxo illeyn meel kale dalka kama jogaan waxaana la hubaa inay iska carari lahaayeen cabsi darted waayo ma rabaan inay dhintaan oo waxay naga dhaceen ayey rabaan inay cunaan.

    Sida aad maqasheen wasiir Beyle oo ay shacbiga u yaqaannaan wasiir Beyle Beenaale waxaa uu mar waliba shacbiga u sheegi jiray been aan cid ka daba saxdaa aysan jirin, walina waa uu wadaa.

    Waxaa uu sheegay:

    1. In Somaliya deynta laga cafinayo. Waa beentiis deyn la cafiyey ma jirto ee waxaa deyn kale oo ka riba badan lagu guday dulsaarkii ay nagu lahaayeen hay’adaha dhaqaalaha adduunka Sida IMF, WB iyo AfDB oo iyaga kala wareegay waddamadii nagu lahaa.
    2. In aanu dalka deyn kale qaadaneyn hadda waxaa ay Somaliya Bangiga adduunka ka dalbatay deyn kor u dhaafeysa $600m oo la rabo in doorashada soo socota lagu galo si ay NN u soo noqoto-Yaa rabbi kaa magan galnay.
    3. In shidaalka dalka aan la xaraasheyn. Waa been oo wadamada deynta ku bixiyey deyn kale sida US, UK, Talyaniga, Norway iyo Ruushka waxay naga faa’iidayaan laba jeer a) Iyagoo na dulsaartay riba aad u weyn b) Iyagoo helaya heshiisyo xaraan ah oo shidaalka Somaliya ku saabsan.

    Haddba wasiir BB waxaa uu mar waliba akhriyaa been uu shucuur ku daro waxaanu dalka yimid isagoon xataa Hoteelka iska bxin Karin, inkastoo ay jiraan lacago lagu sheeg inay meelo kalae u jiraan, laakiin maantana waxaa uu guryo waaweyn oo qaarkood qasri yihiin ku kala leeyahay Hargeysa, Boorama, iyo Mareykanka. Hantidaas oo dhan waa tii laga dhacay shacbiga Somaliyeed oo wasiirka oo aan Xamar maalmo joogin safar kastaa waxaa uu sii qaataa $50,000 oo aan wax xisaab celin ah uusan soo sameyn.

    Isku soo duub taariikh ayaa qormeysa waxaana uu dalku ku socdaa marxalad ay adaga tahay si loo samata bixiyaa hadd iyo hadhowba oo hadda waxay NN ka shaqeyneysaa inaysan dhicin doorasho aysan ku ugu guuleysaneyn iyada waa sida Galmudug iyo KG oo liiska xildhibaanada ay gacantooda ku qoreen Farmajo iyo Kheyre kadibna email loogu diray guddi ku sheegga laba maamul laga sameeyey ee doorashooyinka. Waana halkaas jidka ay ku socotaa tan qaranka oo hawshaas waxaa si xarfadeysan u wadda Marwa Xaliima Yarey oo ay hadda waliba aad isugu dhawaadeen MW Farmajo.

    Xigasho Muqdisho Online

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here