Hon Ahmed M. Fiqi ” Qaran dumis iyo Amniga Qaranka uu halis ku yahay wa dhaqan kaligii talis”

    Xildhibaan Ahmed Moallin Fiqi ayaa ka hadlay Hadalkii dhawaan kasoo yeeray NISA taaso loogu hanjabay Wariye Haruun Maruuf , Laguna tilmaamay inuu wariyuhu yahay mid Qattar ku ah Amniga Qaranka,

    Hadalada Xildhibaanka waxaa uu uqornaa sida tan.

    “Warka NISA ma hanjabaad looga hortagayo barnaamijyada qiimaha leh ee amniga la xiriira ee wariye sare Haaruun Macruuf uu isku soo dubarido iyo wararka degdegta ah ee laga helo bogoga baraha bulshada uu wariyahaas ku leeyahay!

    Haddii taas la isku eedaynayo oo ay amniga qaranka halis ku tahay, sidee laga yeelayaa hbdhaqankii iyo muuqaalada YouTube-ka ku jira oo wariye TV-ga Aljazeera u shaqayn jirey uu ka soo duubayey safka hore ee dagaalka sanadihii 2009 – 2012 asagoo waraysanaya amiirada Alshabaab oo soo bandhigaya gaadiid ay ka qabsadeen dawladda iyo askar ay dileen?!

    Cidna aqbali mayso waana wax sharciga dalka ka soo horjeeda in awoodda dawladda loo adeegsado dadka mihnadooda sida xirfadaysan u gudanaya! Fariinta hanjabaadda ah ee hawada loo mariyey wariye Harun Maruf igalama duwan tii xildhibaanno hawl dastuuri gudanaya lagu tilmaamay qaran-dumisnimo sanadkii 2017!

    Qaran dumis iyo amniga qaranka ayuu halis ku yahay waa isku hal kalimo oo siyaabo kala duwan loogu dhawaaqay, waana hubka kalitaalisku uu ku argagixiyo isla markaana ugu cagajugleeyo dadka aan la dhacsanayn aragtidooda.”

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here