Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed oo kulan la qabatay Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya

    Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Shariif Shiekh Ahmed ayaa kulan heerkiisu sareeyo laqaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya,

    Markii uu kulanka dhamaaday kulanka waxaa qoraal kooban bartiisa Facebook soo dhigay Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed  hadaladiisana waxaa ka mid ahaa.

    “Bismillaah.

    Waxaan maanta xaruntiisa ku booqanay aniga iyo xubno kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez oo aan ka wada hadalnay qodobadan:-

    1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka.

    2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21.

    3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu xadgudbin.

    4- Qaabka la isaga kaashan karo sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, iyo in la iska kaashado ka hortagga cudurka.

    Madasha xisbiyada Qaran waxay diyaar u tahay ka qayb galka doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna kasoo horjeeddaa wax kasta oo lagu baajinayo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21 iyada oon ka digeyno in madaxda dowladdu marmarsiiyo u raadiyaan dib u dhigista dooraahada.”

    MAHADSANIDIIN

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here