Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka XFS oo xabsiga la dhigay

    Warar lagu kalsoonaan karo oo Goordhow soo gaaray Warbaahinta Madaxabanaan  ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay xireen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumdda Soomaaliya Cabdullaahi Xaashi.

    Agaasime Cabdullaahi Xaashi ayaa waxaa laga dhex waday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka xili uu halkaas ku sugnaa, waxaana sidaas sheegay Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, waxaana la sheegayaa inuu xarigiisa la xiriiro Musuq-maasuqa lacag loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus oo hay’addo Caalami ah ay dowladda Soomaaliya ugu deeqeen.

    4-tii Bishaan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay xabsiga dhigeen Agaasimiha Maamulka iyo Maaliyada Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Maxamuud Maxamed Buule, kaasi oo loo heysto Musuq-maasuq Lacagta COVID-19.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here