DFS oo hakisay bixinta Bassaborka caabuqa Coronavirus owgiis

    Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow shaacisay in la hakiyay qabashada codsiyada baasaboorka Soomaaliga oo maalinta kasta ay Codsadaan Boqolaal Ruux.

    War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo maalinta berri la hakiyay qabashada codsiyada baasaboorka Soomaaliga ilaa iyo amar dambe.

    Sababta loo hakiyay qabashada codsiyada baasaboorka ayaa waxa  lagu sheegay inay tabay mid la xiriirta Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay u geeriyoodeen kumanaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali.

    “Digniinaha caafimaadka iyo Xaaladaha Caabuqa Karoonaha oo saameeyey isku socodka iyo xaafiisyada kale ee bixiya adeegyada la xariira bixinta baasaboorka awgood, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa in laga bilaabo maalinimada Talaadada ah, taariikhduna tahey April 7, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka.

    Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal hore joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwa gudaha isaga kala gooshi jiray sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo aduunka oo dhan sameeyay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here