Hon ahmed Moallin Fiqi oo soo dhaweeyay Midnimada Galmudug

    Xildhibaan Ahmed Moallin Fiqi ayaa  soo dhaweeyay midnimada reer Galmudug ayka gareen dib u hishiisiinta iyadoo cidkale aan ukala dabqaadeen,

    Waxaa maanta Magaalada Godinlabe ku kulmay Madaxweyne Qoor Qoor  iyo Madaxweynihii hore Galmudug mudane Xaaf,

    Kulankaas oo soo afjaray qilaaf mudo soo jiitamayay Galmudug taaso ayka dhaheen doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Qoor Qoor.

    Hadalka Xildh. Ahmed Moallin Fiqi wa sida tan.

    “Midnimo taam ah

    GALMUDUG waxaa u buuxsantay saakay silsiladii midnimada iyo wadajirka, waxaana soo xirmay albaabkii kala qeybsanaanta Waa guul Ilaahay looga mahdiyo.

    Dadaallo aan loo kala harin oo muddo socday ayaa ku soo gabagaboobay in madaxweynaha cusub ee Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Md. Axmed Ducaale ay gacmaha isu saaraan duleedka Magaalada Godinlabe.

    Madaxda, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Galmudug waxay go’aanaadeen In wadahadal iyo dibuheshiisiin aan cid kale u kala dabqaadayn ay ku dhammaystaan arrimaha ka dhexjira, waxaa si gaar ah ugu ammaanan madaxweyne Axmed Qoorqoor oo tallaabooyin geesinimo iyo hormuudnimo leh dhanka dibuheshiisiinta u qaaday.”

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here