Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed oo ka hadlay colaada ka aloosan shabeelaha Hoose

    BAAQ-NABADEED

    Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo.

    Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah.

    Ugu dambeyntiina Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay qayb ka noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noqnoqdey ee aafeeyey dalkeenna.

    MAHADSANIDIIN.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here