Fahfaahin kasoo baxeeyso dagaal dhaxmaray Alshabaab iyo Ciidamada DFS

    Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegayaa in  deegaano ka tirsan gobolka Jubada hooose uu dagaal culus ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo dagaalkaasoo  uu dhex maray ciidamada dowladda iyo Alshabaab.

    Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay howlgal ka bilaabeen deegaanka Baarsanguuni iyo deegaano kale oo ku dhow halkaas.

    Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka oo socday ku dhawaad saacad uu geystay khasaaro in kasta oo labada dhinac aysan ka hadal.

    Xaaladda ayaa hadda degan waxaana ciidamada dagaalka la galay Alshabaab oo ahaa kuwa Maraykanku tababaro ee Baangaraaftu ay ku soo laabteen deegaankii ay markii hore ka ambabaxeen.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here