NISA & Alshabaab oo iska kaashanaya sumcad dilista Siyaasiinta ka aragtida duwan DFS

    Xogo Qarsoon oo soo gaaray Muqdisho Online ayaa sheegaya in Sirdoonka Soomaaliya & Kooxda Maafiyada Alshabaab ay iska kaashanayaan sumcad dilista Siyaasiyiinta iyo  howl wadeenada lashaqeyso ee Mucaaradka ku ah DFS,

    Qorshaha Qarsoon ee  NISA & Alshabaab ay ah in Masuulka larabo in lagu sameeyo Sumcad dilis Taleefonkiisa waxaa soo wacayaa Gabdho iska dhigayaa kuwa soo qaldamay ama  leh dano hasaawe,

    Markii mudo lakula sheekeysto waxaa durbadiiba laguu soo dirayaa Ciidamada Sida gaarka utababaran ee Gaashaan ayagoo ku raadjooga Nambarkaaga , kadib waxaa lagu taxaabayaa xabsi adigoo laga dhigaayo inaad xiriir la leedahay alshabaab , mudada aad xabsiga NISA ku jirto malihid qareen ku difaaci karo ama sharci dowladeed oo dhowreyso xuquuda muwaadinka waxaana xabsiga ku nagaaneysaa mudadii ay rabaan NISA & Alshabaab,

    Qorshahaan ayaa mudo sanado ah waxaa ku howl gali jiray Ciidan Gaashan ayagoo GPS ku raacaya lanbarada laraadinayo dadka laxiriiro,

    Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa noqotay mida ugu halista badan inta maamul ee soomarta dalka , si ay u gaaraan hadafyadooda siyaasadeed waxaay isticmaalayaan wado walbo oo ka hor imaaneyso sharuucda u dagsan dalka iyo mida caalamiga,

    Arrintaan ayaa horseedi doonto inuu go’o xiriirada qoyska , saaxiibada iyo istaageerida bulsha  Maadama la isku xiraayo nambarkaas oo halis ah ayaa ku soo wacay , waanasiib daro wayn in Dowladii lagu doortay si dumuqraadiyad ah ay yeelato dhaqan argagaxiso,

    Xigasho Muqdisho Online

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here