Duqa Magalada Boorame oo lagu weeraray gurigiisa

    Wararka ka imaanya magalada Borama ayaa sheegaya in duqa magaaladaasi Saleebaan Xaadi gurigiisa ay weerar ku qaadeen koox hubeysan oo ana heeybtooda la garanaynin. Kooxda weerartay guriga duqa Boorama ayaa la sheegay in weerarka kadib  ay isaga baxsadeen,islamarkaasina aan gacanta lagu dhigin.

    Duqa boorama oo la hadlay qaar kamid ah Warbaahinta ka howlgashada degaanada Somaliland ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaaraha oo shaqsiyan isaga soo gaar iyo sidoo kale qoyskii. Ciidamada booliiska ayaa saaka magaalada ka wada baaritaano lagu baadigoobayo kooxdii laheyd masuuliyada weerar lagu qaaday duqa Magaalada Boorama guriga uu ka degan yahay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here