Gudoonka labada golle ee Golaha Shacab ka ayaa dib u dhigay kalfadhiga 7 aad ee Baarlamaanka JFS

    Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta oo ah 20-ka Bisha April 2020 ku mudeysneyd inuu furmo kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee dib loo dhigay.

    Sidoo kale Qoraalka Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa lagu xusay in xiliga ku haboon ee la furi karo kal-fadhiga 7-aad uu Guddoonka dib  kasoo shaacin doono.

    Warar la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay ku xayiran yihiin dalka Turkiga, maadaama aduunka oo dhan ah uu sameeyay Cudurka halista ah ee Coronavirus.

    Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen labada Guddoomiye.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here