Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo waxba kama jiraan ku tilmaamay digreetada MW Waare

    Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ka horyimid shaqo joojintii Maanta Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaan Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Cabdulle Nuur.

    Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Sheekh Cismaan  ayaa waxaa lagu sheegay in sharci darro ay tahay shaqo joojinta lagu sameeyay Guddoomiye Cali Cabdulle, isla markaana Warqada kasoo baxday Madaxweyne Waare ay tahay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

    Qoraalka Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaan Shabeellaha Dhexe loogu faray inuu sii wato shaqadiisa, uuna Bulshada deegaanada Hirshabeelle ugu adeego si cadaalad ah.

    Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu joojiyay laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka April 2020 dhamaan Wareegtooyinka ku saabsan xilka qaadista, Magacaabista iyo shaqo joojinta ee Mas’uuliyiin Hirshabeelle.

    Waxaa kaloo Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu xusay  ilaa iyo inta laga gubaayo Marxalada kala guurka Hirshabeelle ayna qabsoomeyso Doorashada maamulkaas uu mas’uul kasta oo xilka haayo uu Mas’uul ka yahay si loo ilaaliyo amaanka shacabka.

    Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Sh Cismaan Barre.

     

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here