(Cadeeyn) Sir Culus, Sirdoonka Soomaaliya oo u maleeygayaan shirqool Siyaasiinta Mucaaradka .

    Muqdisho Post oo heshay Sir Culus oo banaanka soo dhigtay qorshayaasha guracan ee Sirdoonka Soomaaliya ka fuliyaan Magalada Muqdisho,

    Agaasimaha Guud ee Shaqada & Shaqaalaha NISA Abdullahi Kulane Jiiz Mareexaan  ayaa warqad  udiray Agaasinka Sirdoonka Caasimada  waxaana ogeysiis ku leh warqadaas Agaasimaha Sirdoonka Gudaha  iyo Agaasimaha Guud ee NISA, tixraaca warqada sumadeedu tahay XK/HSNQ/0107/19 kuna taariikheysan August 14 2019.

    Ujeedada warqada ayaa aheyd iyadoo lafaraayo Agaasinka Sirdoonka Caasimada inuu soo gudbiyo xog wiiqeysa awooda Siyaasiinta reer Muqdisho, sido kale waxaa la faray Agaasinka in uu dag dag uga soo tala bixiyo qorshaha lagu qaarajinaayo Madaxweynayaashii dalka Soo maray Mudane Shariif Shiekh Ahmed iyo Madaxweyne Hassan Shiekh,

    Arrintaas oo ugub ku ah siyaasada dalka in dowlad lagu doortay nidaam dimuqraadiyad ah ay qorsheeyso dil Madax Hore ee dalka soo martay isla markaasna si dimuqraadiyad ah xilka ugu wareejisay dowlada hada talada heysa,

    Tan iyo wixii ka danbeeyay Markii Sirdoonka Soomaaliya uu la wareegay Wiilka uu adeerka u yahay Madaxweyne Farmaajo Abdullahi Kulane Jiiz Mareexaan wuxuu NISA gudaheeda kula dhaqmaayay isir sooc beegsi dadka ehelka u ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada , sido kale wuxuu kala diray dhamaan sarakiisha ehelka u ah shaqada sirdoon ee Hey’ada ugu xilsaaran tahay JFS.

    Halkaan ka aqriso warqada Sirta aheyd ee laga jabsaday xafiiska NISA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here