Madaxweyne Waare oo shaqada dib ugu fasaxay Wasiir ka tirsan Hirshabeelle

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dib shaqadooda ugu fasaxay Wasiiru dowladaha Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasi oo shalay shaqo joojin lagu sameeyay.

    Wareegto kasoo baxdya Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa dib shaqada loogu faray Xildhibaan Saadaq Muqtaar Cabdulle oo ah wasiiru dowladaha Dastuurka Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Sh/Dhexe Cali Cabdulle Nuur.

    Labada Mas’uul ayaa waxaa lagu eedeeyay in dorraad Magaalada Jowhar ay uga qeyb qaleen Munaasabad ka dhacday, iyadoo Madaxweynaha Hirshabeelle uu joojiyay Xafladaha la isugu yimaado, sababo la xiriira faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa xalay qoraal soo saaray waxaa uu uga horyimid shaqo joojinta lagu sameeyay Guddoomiya Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana arrintaas ku tilmaamay mid sharci darro ah, uuna u fasaxay shaqadiisa Guddoomiye Cali Cabdulle.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here