Fatahaad uu sameeyay wabiga juba oo sameen ku yeeshay nolosha bulshada baardheere

    Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in wabiga Jubba ee mara degmadaasi uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi,isla markaana uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray,dadka,Beeraha iyo Xoolaha.

    Daadaku waxa ay la tageen dhammaan waxii dalag ahaa ee u baxaayey beeraleyda,waxaana lagu qiyaasay Beeraha ay waxyeeleeyeen daadadka ilaa 2270 beerood sidaas waxaa warbaahinta   u sheegay Maxamed C/raxiin Matow oo ah gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda jubba ee Baardheere.

    Waxaana guryahooda ka barakacay dad lagu qiyaasey ilaa 397 qoys oo ku nolaa hareeraha webiga

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here