Kacdoonka dhalinyarada Muqdisho waxaay xilka katuureysaa Kaligii taliye Farmaajo

    Dibad-baxii Muqdisho wuxuu maanta siday laba farriin oo muhiim u ah in si quta-dheer loo fahmo.

    Waa midda koowaade, in la fahmo awoodda caabboon ee dhalinyarada oo ay muhiim tahay in la hago, loona sameeyo mustaqbal nabadeed iyo mid nololeed, maxaa yeelay?, badi da’yartii dibad-baxayay waxey ahaayeen kuwa shaqo la’aan ah, nabad iyo xasiloonina u baahan

    Tan labaadna waxay tahay farriin cad oo loo diray hoggaanka dalka iyo sidoo kale mucaaradka, taas oo aheyd in lala yimaado aragti dheer oo Soomaaliyeeysan, maadaama aan lakala jecleyn. haddii aan si kale u iraahdo, iyadoo shalay laguu sacabba tumay ayaa maantana aragtida lagugu diidi karaa.

    Soomaaliya waxay u baahantahay aragti ka turjumeysa nabad iyo dowladnimo, waxaana hadlay awooddii aamusneyd oo magaalo kasta oo Soomaaliyeed ku qarsan, balse u baahan in si dhab ah loo fahmo.
    #Dhalinyaro

    Professor Hassan Mohamed

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here