Madaxweyne Shariif oo cambaareeyay falkii sharcidarada lagu dilay muwadiniin guryahooda jogay

    Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed ayaa ka hadlay Dilkii dhawaan loogu geeystay muwadinin Soomaaliya gudaha Magaalada Muqdisho ayagoo jooga guryahooda,

    Ugu Horeyn Madaxweyne Shariif wuxuu cambaareeyay dhibta soo gaartay muwadiinta isla markaasna ka digay qatar kale oo surta gal ineey dhacdo asagoo ku baaqay in dib loodhigo bandowga lana gaarsiiyo 9 ilaa 10 fiidnimo,

    Hadalka Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed wuxuu ku bilaawday sida tan,

    “Bismillaah.

    Ugu horeyn waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno cadaaladana lamaroyo.

    Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore.

    Ugu dambeyn waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay oo aan leenahay samir iyo iimaanna allaha idinka siiyo dadkii ladilayna qabriga Allaha u waasiciyo.”

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here