Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay Qarax uu ka badbaaday Jeneraal Odawaa

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ah oo goor dhaweyd lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu lasocday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

    Qaraxaas ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaaba qarxa, waxaana ka badbaaday Taliyaha ciidamada xoogga oo la aaminsanyahay in bartilmaameedkiisu uu isaga ahaa.

    Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo isbitaalka Xoogga, oo u dhaw warshadii hore ee Caanaha.

    Khasaare u badan dhaawacyo ayaa soo gaaray askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka mid ahaa ilaalada Taliyaha militeriga Odawaa.

    Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka shan askari oo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha ay soo gaareen dhaawacyo fudud, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here