Farmaajo iyo Kheyre oo aqbalay dalab ugu yimid madaxda D/goboleedyada

    Warar lagu kalsoonaa karo oo ay heshay KNN ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay aqbaleen inay ka qeyb-galaan wajiga labaad ee shirka wadatashiga oo madaxda dowlad goboleedyada uga socda Dhuusamareeb.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in Talaadada berrito uu ku wajahanyahay magaalada Dhuusamareeb, si shirka ka socda uu ugu biiro.

    Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in madaxweyne Farmaajo uu isna ku wajahanyahay Dhuusamareeb, balse uu ka dambeyn doono Ra’iisul Wasaare Kheyre oo berri ku wajahan Dhuusamareeb.

    Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen wajigii koowaad ee shirka uga socda Dhuusamareeb waxay madaxda dowladda federaalka uga dalbadeen inay kasoo qeyb-galaan wajiga labaad ee shirka, si looga wadatashado arrimaha masiiriga u ah dalka, kuwaas oo ay ugu horeyso nuuca doorasho ee dalku aadayo dabayaaqada sanadkan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here