Barlamaanka oo maanta ka doodaya hindise sharciyeed cusub

Maanta oo ah Arbaca ah 25-ka December waxaa jira kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ajendaha Kulanka ayaa ah u codeynta hindise sharciyeedka maamulka iyo maareynta maaliyadda dalka iyo sidoo kale u codeynta hindise sharciyeedka shirkadaha.

hindise sharciyeedka maamulka iyo maareynta maaliyadda ayaa waxaa horay u meel mariyey xildhibaanada golaha shacabka, balse waxaa dib ugu soo celiyey Senetorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, maanta ayeyna xildhibaanadu mar kale u codeynayaan sharcigaas iyo kan shirkadaha.