Ciidanka Dowladda oo qaab maleeshiyo beeleed isagu dagaalay D Hodan

Dagaal khasaaro gaystay ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo u hubaysan qaab maleeshiyo beeleed, kuwaas oo isku haysta dhul ku yaalla xaafaddaasi

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ku dhintay hal ruux halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.